2877 Views

Ciidamada Ammaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo la Amray

Ciidamada Ammaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo la Amray
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  20, 2017 –—Iyadoo Maanta Magaalada Baydhabo ay ka bilawdeen Imtixaanadii Shahaadiga ee Dowladda ayaa Hay’addaha amaanka lagu amray iney xaqiijiyaan amaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanada.

Hay’addaha amaanka ayaa sidoo kale lagu amray iney ka fakiraan sidii si nabad galyo ah ay Ardayda ugu dhameysan lahaayeen imtixaanadooda.

Sii hayaha Xilka Wasiirka Amniga ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sugidda amaanka goobaha lagu qaadayo Imtixaanada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Ciidamada iyo Shacabka Koofur galbeed ay si Wadajir ah u shaqeeyaan.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa tilmaamay in Ciidamada amaanka laga doonayo in aad ugu feejignaadaan Weeraro ka dhaca Xarumaha Imtixaanaadka lagu qaadayo.

Waxa uu xusay in Maamulka Koofur galbeed ay ka go’an tahay in si nabad galyo ah lagu soo gabagabeeyay Imtixaanada ka socda Xarumaha magaalada Baydhabo.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment