2508 Views

Xafiiska diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda oo Maanta la furay

Xafiiska diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda oo Maanta la furay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  23, 2017 –—Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya laga daahfuray Xafiiska diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda ee dalka ka jira.

Xafiiskaan ayaa waxaa furay Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka dalka.

Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil oo Munaasabada ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in Xafiiskaan shaqadiisa ay noqon doonto diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadeed, maadaama dalka hadda aysan ka jirin xisbiyo la aqoonsan yahay.

Horay waxaa loo magacaabay Madaxa diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda oo laga dhigay Xildhibaan hore Maxamed Cumar Maxamuud.

google

miin

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment