2502 Views

Madxweynaha Hirshabaele Oo Kawarbixiyey Socdaal Uu Ku Tagay Dalka Uk

Madxweynaha Hirshabaele Oo Kawarbixiyey Socdaal Uu Ku Tagay Dalka Uk
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 02.2017——–Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa faah faahin ka bixiyay safar uu ku tagay dalka Ingiriiska, wuxuuna soo maray Magaalada Nairobi markii uu ka soo tagay Ingiriiska.

Shalay ayuu magaalada Muqdisho yimid wuxuu sheegay in uu kulamo la soo qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Degaanada Hirshabeelle, kuwaasi oo uu kala hadlay Hormarka Degaanada Hirshabeelle iyo arrimo kale.

Sidoo kale Magaalada Nairobi ayuu sheegay in kulamo kula soo qaatay Hay’ado Maamulka Hirshabeelle shaqo kala dhaxeyso iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ka soo jeeda.

Wuxuu sheegay dhammaan kulamadii uu la soo qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska iyo Nairobi ee Hirshabeelle in ay guul ku soo dhammaadeen.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa 11-kii May waxa uu magaalada London uga qeyb galay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb galeen Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo).

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment