2484 Views

Dhagayos:-Faah Faahino Dheerad Ah Nin Lagudilay Muqdisho

Dhagayos:-Faah Faahino Dheerad Ah  Nin Lagudilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 —Nin  hubeesnaa ayaa Maanta Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Sarta dheer waxa uu ku dilay Nin Timo jare ahaa kaas oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Maxamuud.

Ninka la dilay ayaa loogu  tagay goobtiisa Shaqo,iyadoo intaas kadib la toogtay,sida ay Qaranimo.com  u sheegeen dad Goobjoogayaal ahaa.

Macada sababta  Ninkaasi loo dilay balse dilka ka hor ayaa la sheegay in Ninkaasi ay wada murmeen mudo daqiiqado ah taas oo keentay in markii dambe Ninkii timo jara ahaa la dilo.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Qaranimo.com  ayaa faah faahin ka bixinaya qaabka uu u dhacay dilka loo geestay Ninkii ka Shaqeynayay goobta Tima jaraha ah.

Halkan Ka dhagayso 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment