2913 Views

Amaro horleh oo ka soo baxay Taliska Taraafikada Gobolka Banaadir

Amaro  horleh oo  ka soo baxay Taliska Taraafikada Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 07, 2017 — Taliyaha Ciidamadda Taraafikadda Soomaaliyeed Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ka hadlay habka saxda ah ee laga doonayo dadka kala iibsanaayo  Baabuurta.

Taliyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in qofka gaariga iibsanaayo in uu ku dadaalo in buuga gaariga lagu qoro magaciisa si loo ogaado in uu gaariga leeyahay.

Taliyaha oo ka hadlayey howlgal ay kula dagaalayeen in gawaaridda lagu baakimo Hareeraha Wadadda Maka-almukarmaha ayaa yiri:

“gaarigii aan soo qabano ee aan kasoo qaadno goobaha baakinka loo diiday ee wadada hareeraheed ah qofka sheeganayo waxaa laga doonayaa in uu la yimaado buug uu ku cadeynayo lahaanshihiisa waxaana qasab ah in uu Magaciisa ku qornaado ” .

Dadka kala gadanaayo Gawaarida ayaa laga dhursugayaa in ay dhaqan geliyaan amarkan kasoo baxay Taliska Taraafikadda Soomaaliyeed si ay uga badbaadaan culeyso badan oo soo wajihi karo.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment