2706 Views

Maamulka Galmudug oo sheegay inay soo celin doonaan kabayaasha dhaqaale ee Maamulkaas

Maamulka Galmudug oo sheegay inay soo celin doonaan kabayaasha dhaqaale ee Maamulkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 16, 2017— Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in uu dib u soo celinayo ilihii dhaqaale ee degaanada Galmudug, kadib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada maamulkaasi.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masaga-waa) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la soo nooleynayo, boorkana laga jafayo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay Abaarahii degaanada Galmudug ku dhuftay in ay saameen ku yeesheen dadka iyo duunyada ku dhaqan degaanada Galmudug, loona baahan dadkii ku barakacay Abaaraha in loo diro adeegyada ay u baahan yihiin.

Maxamed Aadan Cusmaan (Masaga-waa) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Galmudug ayaa sheegay maamulka Galmudug in uu wado dadaalo wax loogu qabanayo shacabka ku dhibaateysan degaanada Galmudug.

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxa uu ka shaqeynayaa sidii degaanada Galmudug ay ugu talaabsan lahaayeen hormaro iyo sidii shacabka halkaasi degan dib u heshiisiin loogu sameyn lahaa

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment