4560 Views

Maamulka G/Banadir oo olole nadaafadeed ka bilaabay Wadada Cir toogte ee Suuqa Bakaaraha

Maamulka G/Banadir oo olole nadaafadeed ka bilaabay Wadada Cir toogte ee Suuqa Bakaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  30, 2017— Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Ka Jawaabay cabashada Bulshada Taas ku aadan Wax Ka qabashada Bur burka wadada Black Sea iyo Bakaaraha, waxaana maanta dowladda hoose ay sameysay olole ku aadan dib u furista wadada Bakaaraha.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka ayaa maanta tagay wadada isku xirta Black Sea iyo Isgoyska Bakaaraha oo indhahooda ku soo arkay waxa meesha ka jira, waxaana ay ku dhaqaaqeen dib u hawlgalinta wadada iyo dayactirkeeda.

Taabit Cabdi Maxamed Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay ahmiyad weyn inay u leedahay dib u hawlgalinta iyo nadaafada wadada Black Sea iyo Isku xirta Bakaaraha.

Dadka ku ganacsadada hareeraha wadada Cirtoogte ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabada Maamulka Gobolka Banaadir uu maanta dib ugu hawlgaliyay wadada Cirtoogte oo muddo ka badan 20 sano go’doonsaneyd.

112

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment