2415 Views

Dhagayso:-Putland Oo Xukun Ku Riray Rag Lagu Eedeeyey Al Shabaab

Dhagayso:-Putland  Oo Xukun Ku Riray Rag Lagu Eedeeyey  Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | July  01, 2017—Cutubyo si gaar ah loo tababaray oo katirsan ciidamada dawladda Puntland ayaa subaxnimadii horre ee saaka 30 June dil toogasho ah ku fulisay 7 nin oo katirsanaa kooxda Argagixisada ah ee DAACISH & Al- Shabaab.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sidda ayaa faahfaahin ka bixisey, waxaana la xaqiijiyey in ay gacan ka geysteen dilal iyo qaraxyo waa weyn oo ay geysteen.

Maxkamadu waxay cadeysay in dadkan hadda ay dhadhamiyeen Cadaaladda, oo ay dawladdu ku fulisay dilkii ay geysan jireen mid la mid ah.

Waxaa ku jira nin ka dambeeyey dilka 23 masuul oo ay ku jiraan madax kala duwan, kana geystay magaalada Gaalkacyo

Magacyaddan dadkan la dilay maanta ayaa kala ahaa.

  1. Cabaas Ibraahim yarre Aaden
  2. Ibraahim Maxamed Canshuur Axmed,
  3. Dhaqane Aadan Cabdi Xasan
  4. Aadan Nuur Aadan Cali
  5. Nuur Cabdi Aadan Isaaq
  6. Cabdulqaadir Maxamed Cali
  7. Cabdixakiim Xasan Xaamud

Halkan J a Dhagayso 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment