4989 Views

AMISOM oo lasheegay in ay iskaga baxayaan Stadium Muqdisho

AMISOM  oo lasheegay in ay iskaga baxayaan Stadium Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 22 Luulyo 2017  — Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Ciidanka AMISOM ay ka baxayaan Garoonka dedan ee Stadium Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa Garoonkaasi degganaa muddo ka badan 10 Sano,waxaana ay la wareegeen Markii ay ka baxeen Ciidamadii Itoobiya ee 2009kii ka baxay Muqdisho.

Wasiirad Khadiija waxaa ay sheegtay in ka bixitaanka AMISOM ee Garoonka Muqdisho uu yahay wajiga saddexaad ee ay Ciidamada AMISOM uga baxayaan dhulka danta guud waxaana ay xustay in wajigii 2aad uu ahaa Jaamacadda Gaheyr ee ay dhawaan banneeyeen.

Ra’islawasaaraha Soomaaliya ayey sheegtay Wasiirad Khadiija in uu gacan ka geystay AMISOMna kala hadlay banneynta Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

Waxaa ay intaas ku dartay in ay diyaaryihiin Ciidamadii Booliska ahaa ee loogu talagalay in ay la wareegaan marka ay ka baxaan AMISOM kaddibna ay ku billaaban doonto shaqada Garoonka ee Ciyaaraha Dalka.

Waxaa ay Hambalyo u dirtay dhamaan dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan bahda Ciyaaraha aoo muddaba ka dhur sugayay xilliga ay AMISOM ka baxeyso Garoonka Muqdisho.

.

.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online |Muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment