684 Views

Ciidamada Xoogga dalka oo faah faahin ka bixiyay howlgallo ka dhacay Gedo

Ciidamada Xoogga dalka oo faah faahin ka bixiyay howlgallo ka dhacay Gedo
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 10, 2021

 Ciidamada dowladda Soomaaliya Soomaaliya noocyadooda kala duwan sida, Millateriga, Booliska iyo Nabadsugida ayaa saacadihiia la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga degmada Garahaarreeya ee xarunta Gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka wadeen waxay weerar ku qadeen gooba ay ku dhumaleeysanayeen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada  Al-Shabaab, waxaana la sheegaya in maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa la gaarsiiyay  khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Guutada 10-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole, ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisa uu ahaa sugida Amniga doorashada, isla markaana ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Garahaarreeya, oo ay ka mid ahayeen Tuulo Barwaaqo, Kabis,  Maykaa-reebe iyo degaano kale.

Sidoo kale waxaa uu sheegay taliyaha in dagaallo ay la galeen maleeshiyaadka  Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan, sidoo kalena ay kala wareegeen goobahii ay kaga dhuumaaleeysanayeen.

Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, taasi oo amaankeed aad loo adkeeyay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post