2445 Views

Mas’uul Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya Oo kulan Laqaatay Wafdi Kasocda QM

Mas’uul Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya Oo kulan Laqaatay Wafdi Kasocda QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 25  Luulyo 2017 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa qeybta horumarinta ee laanta haweenka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Faadumo Dayib Qaasim oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka ku jira Baarlamaanka waxaana kulanka oo ay goobjoog ka ahayd  Guddoomiyaha haweenka ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku bogaadiyay howsha ay u heyso haweenka Soomaaliyeed, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay in Gabar Soomaaliyeed ay ka mid noqoto madaxda laanta haweenka ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca Kale qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulamo ay kaga hadlayeen qorshe howleedkooda ,waxaana Guddiga golaha shacabka u qaabilsan arimaha garsoorka iyo awqaafta uu maanta la kulmay wasiirka owqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Gudoomiyaha Guddigaasi Xildhibaan Shariif Sheekhquna -Maye ,waxaana ka qeyb galay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment