2865 Views

Muwaadin Somali ah oo Killiyahiisa laga soo saaray 700; oo dhagax!

Muwaadin  Somali ah oo Killiyahiisa laga soo saaray 700; oo dhagax!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |2 July 29, 017—C/raxmaan oo ah Muwaaddin Soomaaliyeed kana soo jeeda Magaalada Gaalkacyo ayaa kilyahiisa laga soo saaray wax ka badan 700 oo dhagax sida ay sheegayaan dhaqaatiir u dhashay dalka Hindiya oo qalliin ku sameeyay kilyaha C/Raxmaan oo ugu tagay Dalka Hindiya.

C/Raxmaan oo wax ka badan saddex Sanadood la xanuunsanay kilyaha ayaa waxaa uu u tagay dhaqtar ku yaalla Gaalkacyo,waxaana loo sheegay in Kellidiisa bidix ay infekshan qaadday sidaas darteedna aanay waxba u qaban Karin iyada oo midda midiga ay xanuun ku heysay.

Waxaa uu tagay dalka Hindiya waxaana saddex Maalmood ka hor lagu sameeyay Qalliin guuleystay oo labada Kelli lagu sameeyay.

Surya Prakash oo ah Dhaqtaradda qalliinka ku sameeyay C/Raxmaan ee Isbitaalka Virinchi Hospitals

ayaa sheegtay in sided bilood ka hor Killida bidix qalliin looga sameeyay uu qaaday caabuq islamarkaana uu dhibaato kale u geystay,waxaa ay sheegtay inta aysan billaabin labada qalliinba in ay dib u habeyn ku sameeyeen kelyaha oo dhagxaanta ku jiraan,markii ay caabuqa ka saareen kaddibna ay billaaabeen in mid mid ay ugu sameeyaan.

Waxaa ay sheegtay in hal dhagax oo 3 Sinti mitir ah laga soo saaray killida bidix sidoo kalena boqolaal dhagax oo yaryar laga soo saaray kellida Midigta ah.

Waxaa ay sheegtay in dhagxaanta qaar ay daxaleysteen oo ay gudaha ku dhaceen intii ay howsha wadeen laakiin ay soo saareen dhagxaan ka badan 700 oo Dhagax.

Drs Surya Prakash, waxaa ay sheegtay in tirade dhagxaanta ay tahay tii ugu badneyd ee qof laga soo saaro oo ay indhaha ka qaaddo intii ay dhaqtaradda ahayd,waxaana ay intaa ku dartay in inta ugu badan ee ay arki jirtay ay ku qiyaaseyso 150 ilaa 200 oo dhagax.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ayey sheegtay in maaddada kiimikaad ee ay ka sameysanyihiin dhagxaantan ay baarayaan sidoo kalena ay aaminsanyihiin in waxani aysan ahayn wax ku beermay C/raxmaan ee ay yihiin dhaxaltooyo.

Laakiin C/Raxmaan ayaa u sheegay dhaqaatiirta in taariikhda qoyskiisa aysan waligood arag dhagax killiyaha gala sidan oo kale uuna isagu yahay qofkii ugu horreeyay ee dhacdadan la kulma.

Xaaladda Caafimaad ee C/Raxmaan ayaa hadda ah mid ka soo reyneysa,Dhaqaatiirta qalliinka ku sameeyay C/raxmaan ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in Killiyaha C/Raxmaan oo nadiif ah ay mar kale shaqadooda dib u billaabaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment