3495 Views

Go’aanno laga soo saaray jahawareerka Ganacsiga ee lacagta Sh.Somaliga

Go’aanno laga soo saaray jahawareerka Ganacsiga ee lacagta Sh.Somaliga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 03 August 2017 – Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa maanta kulan ku yeeshay Ganacsatada Magaalada,Maamulka Gobolka,Bangiga Puntland,Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka Degmada Boosaaso.

Kulankan waxaa uu ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa sicir bararka ka jira Boosaaso iyo jahawareerka ka dhashay lacagta Shilin Soomaaliga ah ee lagu arkay Suuqyada Boosaaso.

Dood dheer kaddib dhinacyada ayaa heshiis ka gaaray xakameynta lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga ah iyo in la iska daayo qaadashada kunka Shilin ee go’ go’an.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in la fasaxay qaadashada lacagta shilin Soomaaliga ah gaar ahaan kunkii hore iyo in Sarrifka lacagta oo halkii doollar laga dhigay 28 Sh.Soomaali ah halka maalmihii la soo dhaafay uu intaas ka badnaa.

Dhanka Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland waxaa ay ballan qaadeen in ay ka hortagi doonaan Lacagaha cusub ee Puntland ka galaya Gobollada kale ee Soomaaliya.

,

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment