2505 Views

Xadgudub ka dhan ah Soomaalida Maraykanka oo la sameeyey

Xadgudub ka dhan ah Soomaalida Maraykanka oo la sameeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11ka Ogosto, 2017 – Guddiga fursadaha shaqaaleynta siman ee Dalka Mareykanka ee EEOC ayaa go’aamiyey inay jirto sabab macquul ah oo muujineysa in xuquuqda madaniga ee Soomaalida Mareykanka lagu xadgudbay markii shirkadda Cargill ay u diiday inay ku tukadaan warshad hilibka lagu baakadeeyo oo ku taala gobolka Colorado.

Go’aankan ayaa la gaaray laba sano kadib markii 150 qof oo shaqaale Soomaali ah ay shaqada ka dareereen kadib markii kor joogeyaashooda shaqada ay u diideen inay dukadaan xilliga ay ku jiraan fasaxa cuntada.

Cargill, oo ah shirkadda ugu weyn Mareykanka ee sida shaqsi loo leeyahay, ayaa markaa kadib shaqaalaha ka ceyrisay shaqada, ayada oo ku eedeysay inay ku xadgudbeen shuruucda ka qeyb-galka shaqada ee warashadan oo ku taalla magaalada Fort Morgan.

Cargill ayaa ku doodeysa in dhacdadan ay si xun u maareeyeen kor joogayaasha shaqada iyo shaqalaaha.

“Waxaan sameynaa waxa sharciga naga doonayo, waxaana bixinaa goobo waajibka diimeed lagu guto oo dheeri ah” ayay Cargill ku tiri bayaan ay soo saartay.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa sanadyadii lasoo dhaafay la kulmaayay xadgudubyo kaga imaanayay Shirkadaha Mareykanka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment