3315 Views

Rooboow oo Muqdisho ka shaaciyey in uu ka baxay Al-Shabaab

Rooboow oo Muqdisho ka shaaciyey in uu ka baxay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Augusto 15, 2017 – Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ka baxay ururka Al-shabaab oo mudo badan uu ka mid ahaan jiray, kadib warbaahinta oo uu kula hadlay magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Dhagayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqtaar Roobow waxa ay maalmo ka hor ka keentay degaanka Abal oo ka tirsan Bakool, halkaasi oo in badan degaansanayay, sidoo kalena maalmihii dambe kula dagaalamayay Shabaab, oo isku dayay in ay gacanta ku dhigaan.

Waxaa uu sheegay Roobow in uu yimaado Magaalada Muqdisho in ay ka wada shaqeeyeen Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Beesha Caalamka, uuna u mahadcelinaayo.

Sidoo kale Muqtaar Roobow ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in iyo isaga in uu u socdo wada hadal, kaasi oo uu sheegay in uu ka rajeynayo in uu guul ku soo dhamaado.

Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay cafiyaan, maadaama sanado badan uu ka tirsanaa ururka Shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda.

Halkan Hoose ka Akhriso Hadalka Muqtaar Roobow

Anigoo ah Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kana mid ahaa asaasayaashii Alshabaab, soona noqday ku xigeenkii madaxa Alshabaab waxaan u cadeynaya dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo dhan qodobada soo socda:-

1- In aan ka baxay xubina ka aheyn ururka Alshabaab muddo 5 sano iyo 7 bilood ah, sababta aan uga baxayna ay tahay kala duwanaan fahan iyo khilaaf caqiido ku qotoma oo ku saabsan arrimo aanan diinta, dadka iyo dalka u adeegaynin.

Markii aan ka tegay kooxda dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayeen in ay i dilaan, balse Alxamdulilah waan ka guuleystay

2-Waxaan u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka kaalintii ay ku lahaayeen in Heerkan wax soo gaaraan.

3- Waxaan cadeynaya inuu wadahadal noo socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo aan marti ugu ahay magaalada Muqdisho, Wadahadal kaasna aan ka fileyno natiijo iyo isfahan wax gal noqda Insha allah.

4-Waxaan marlabaad u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliyeed , Shacabkeeda iyo Madaxdeeda sida diiran ee la iigu soo dhoweeyay Muqdisho, anaga oo rajo ka qabna inaan u gogol xaarno Nabad waarta.

12 13 15 16

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment