2952 Views

DEG-DEG:- Ahlusunna oo isku khilaaftay wadahadal lala gala Galmudug.

DEG-DEG:- Ahlusunna oo isku khilaaftay wadahadal lala gala Galmudug.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta isku Khilaaftay wadahal ay la galaan Maamulka Galmudug kaas oo ka furmi lahaa deegaanka Mareer-gur ee gobalka Galgaduud sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxda ugu sareysa Ahlusunnada Gobalada Dhexe ayaa la sheegay in ay isku Khilaafeen Wadahalkaasi maanta ka furmi lahaa Mareer-gur, wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Saraakiisha Ahlsunna ayaa diiday in lala fariisto Galmudug halka kuwa kalane ay ogolaadeen in lala kulmo Madaxda Galmudug.

Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa Qaranimo Online  u sheegay in kulankii maanta uu ka fashilmay dhinaca Ahlusunna taasina ay Sabab u tahay Khilaaf soo kala dhax-galay Dhinaca Ahlusunna balse ay wali rajo ka qabaan in kulankaasi uu dhaco.

Ururka Ahlusunna ayaa u muuqda mid sii bur buraya waxaana la sheegay in saraakiishooda ugu sareysa u muuqdaan kuwa ka sii baxaya Ururkaasi kadib dagaalkii Xeraale iyo Xariiro ka imaanaya dhinaca Galmudug.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment