2691 Views

Safarado mudo xirnaa oo dib loo wada furay

Safarado mudo xirnaa oo dib loo wada furay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2017 – Dowladaha Sucuudiga iyo Iraan ayaa heshiis ka gaaray khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeyay labadii Sano ee la soo dhaafay,waxaana ay taas horseedday in labada dal ay xiriirka isu jaraan,safaaradaha kala rartaan sidoo kalena diblomaasiyiinta labada dhinac ay saacado u qabtaan si ay uga baxaan dalalkaas.

Khilaafka Labada Dal ayaa Sanadkii hore ka dhashay kaddib markii Sucuudiga uu xukun del delaad ah ku fuliyay Wadaad Shiico ah oo la oran jiray Al-Nimri,waxaana kaddib dad Iraaniyiin ah oo falkaas ka careysan ay dab qabadsiiyeen Safaaradda Sucuudiga ee Tehraan.

Iraan ayaa xilligaas Sucuudiga ku eedeysay in uu hurinayo colaad ka dhan ah Shiicada dalkaas,waxaana kaddib Sucuudiga taageeray inta badan Waddamada Sunniyiinta ah oo xiriirka u jaray Iraan,waxaana ka mid ah waddamaas Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda Iraam Maxamed Javad Shariif ayaa sheegay in la soo saaray fiisaha ay labada diblomaasiyiin ee labada dal ku tagayaan dalalkaas,sidoo kalena Ciidda kaddib ay labada dal isla eegayaan dib u furidda safaaradaha Tehraan iyo Riyaadh.

Shariif ayaa 1dii Bishan sida uu sheegay waxaa uu kulan la qaatay dhiggiisa Sucuudiga Caaddil Al-Jubeyri,oo ay ku kulmeen Magaalada Istanbuul,halkaas oo uu ka socday shirka iskaashiga Waddamada Islaamka ah.

Waxaa uu xusay in kulankaas uu ahaa mid miro dhal ah,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu dib u soo laabto xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal.

Sucuudiga iyo Iraan waxaa ay kala hoggaamiyaan Waddamada Shiicada iyo Sunniyiinta ee Bariga dhexe oo mid kasta ay mad-habtaas u heysato in ay mas’uul uga tahay Dunida Muslimka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment