2604 Views

Wasiirka Cadalada Oo Ka Qaybgalay Shirmuhiim ah Oo Ka Dhacay Dalka Ruwanda

Wasiirka Cadalada Oo  Ka  Qaybgalay  Shirmuhiim ah  Oo Ka Dhacay Dalka Ruwanda
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 27, 2017 –  wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Dalka Ruwaanda uga qeyb galay shir looga hadlayo hormarinta Cadaaladda iyo Xiriirka ka dhaxeeyo Garsoorka Wadamadda Afrika.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Shirka uu uga Qeyb galayo dalka Ruwanda uu qiimo weyn ugu fadhiyo guud ahaan dalalka afrika isagoo xusay in uu Soomaaliya Ahmiyad gaar ah u sii leeyahay isla markaana uu horseedi karo tayeynta Hay’addaha garsoorka ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in inta uu joogay Dalka Ruwanda ay la kulmeen Qaar ka mid ah Wasiiradda iyo Madaxda Hay’addaha Garsoorka ee dalalka Afrika waxaana uu sheegay in kala hadleen sidii loo hormarin lahaa Cadaaladda iyo Hay’addaha Garsoorka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment