2619 Views

Baarlamaanka Soomaaliland oo fasax horleh galay

Baarlamaanka Soomaaliland oo fasax horleh galay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  29 Agoosto 2017 – Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayaa galay fasax laba bilood ah kaddib doorashadii guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ee dhawaan ka dhacday Somaliland.

Baashe Maxamed Faarax oo ah Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Xildhibaannada shaqada ku soo laaban doonaan 28ka October, 2017 wixii ka horreeyana ay fasaxyihiin.

Doorashada Madaxtinimada Maamulka Somaliland ayaa la filayaa in ay dhacdo 13ka November 2017,waxaana Baashe iyo ku xigeenkiisa cusub doonayaan in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub ee ka soo  baxaya doorashada Somaliland ka dhaceysa.

Xildhibaanno ka mid ah Wakiillada Somaliland ayaa guddoomiyaha ku dhaliilay fasax uu geliyay baarlamaanka iyada oo lagu jor xilli doorasho madaxtinimo loo diyaar garoobayo,waxaase Baashe uu ku dooday in Xildhibaannada ka soo jeedaan xisbiyo Siyaasadeed Ololena u baahan yihiin.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment