2577 Views

Wasiir Xoosh oo sheegay in shirka dib u eegista Dastuur uu dhawaan furmi doono

Wasiir Xoosh oo sheegay in shirka dib u eegista Dastuur uu dhawaan furmi doono
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  30  Agoosto 2017 – Abdi Xoosh Jibriil wasiirka wasaarda dastuurka xukumada Somaliyaa  ayaa sheegay in howsha dib u eegista Dastuurka ay fududaaneyso marka bisha October ay furaan shirka looga arinsanyo dib u eegista dastuurka Dalka.

Waxa uu tilmaamay in ay ka qeyb geli doonaan Wasaaradaha Xukuumadda federaalka ee shaqada ku leh, Madax ka socda maamul goboleedyada, dadka baahiyada gaarka ah qaba, qeybaha kala duwan ee bulshada, iyo Marti sharaf kale oo ay casuumayaan .

Waxaa uu xusay in Shirkaas kaddib u eegista Dastuurka ah ee dhacaya Bisha October ee soo socota uu furi doono Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Shirkaan ayaa qorshihiisu yahay In lagu guda galo qabyo tirka dastuurka KMG ah ee Dodowladda Federaalka ku dhaqanto, Wasiirka Dastuurka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in la qabyo tirayo Dastuurka si dalka uu u gaaro doorasho Qof  iyo cod ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ololihiisii ku sheegay in 4ta Sano ee uu xilka hayo uu ku dhameystirayo Dastuurka Dalka si marka la gaaro 2021ka ay doorasho qof iyo cod ah uga dhacdo Soomaaliya.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment