3369 Views

Goorma ayuu Qorrax Madoobaadka xiga ka dhacayaa Soomaaliya?

Goorma ayuu Qorrax Madoobaadka xiga ka dhacayaa Soomaaliya?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  6, 2017 —Qubarrada Saadaasha Hawada iyo Cirbixiyeennada Caalamka ayaa soo saaray Sawirka dhacdooyin Qorrax Madoobaad ah oo ka dhacaya Caalamka 9; Sano ee soo socota.

5-ta Qaaradood ayey ka dhici doonaan dhacdooyinkaas Dayax iyo Qorrax madoobaadyada ah ee dhacaya sanadaha soo socda.

Mareykanka iyo guud ahaa Latin America waxaa ay dhacdooyinkaas la kulmi doonaan tiro gaareysa 5 jeer waxaana ay kala yihiin Sanadaha kala ah 21,August 2017 oo Bishii la soo dhaafay ka dhacday Mareykanka,15ka February 2018,2.July 2019, 14,December 2020,tani qeybta ka mid ah Koofurta Afrika ayey gaari doontaa iyo Jun 10,2021ka.

baaas

Afrika waxaa ay saameyn doontaa 3; jeer oo kala ah ; 21ka June 2020,12,August 2026 iyo 14,December 2020,waxaana ay tani ku beegan tahay Koofurta Galbeed ee Afrika.

Sidoo kale Asiya waxaa ay ka dhici doontaa 11 August 2018,21ka June 2020,26iyo December 2019.

Australia iyo new Zealand waxaa ay wajihi doonaan mar kaliya waxaana ay ku beegan tahay 20-ka April Sanadka 2023ka.

Yurub,waxaa ay ka dhacaysaa  mar kaliya waana 12, August 2026, waxaa ay dhacdadani sidoo kale qeyb ku yeelaneysaa Waqooyiga Afrika, waana midda 3aad ee Qaaradda Afrika.

Si gaar ah Soomaaliya waxaa saameyn doonta midda dhaceysa 21ka June 2020ka,waxaana laga arki doonaa inta badan Waqooyiga, bartamaha iyo Bariga Dalkeenna.

.

Isha Sawirka: Al-Jazeera.

.

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment