3828 Views

52 Xildhibaan oo isu qoray in ay ka hadlaan arrinta Qalbi-Dhagax

52  Xildhibaan oo isu qoray in ay ka hadlaan arrinta Qalbi-Dhagax
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 – Kalfadhiga Golaha shacabka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho,waxaana Xildhibaannada ay ka doodayaan go’aanka Xukuumaddu ku wareejiyay C/Kariin Sh.Muuse Qalbi-dhagax.

178 Xildhibaan oo ka mid ah 275 Xildhibaan ayaa saxiixay Buugga Xaadirka sidaas ayuuna ku furmay Kalfadhiga Golaha shacabka.

52 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa isu diiwaangeliyey in ay ka hadlaan arrinta Xukuumaddu ku wareejisay Qali-dhagax.

Xildhibaannada ilaa hadda ka mid ah C/Rashiid Maxamed Xiddig oo sheegay in Xukuumadda ay ku qaldaneyd go’aanka ay ka qaadatay Dhiibidda Qalbi-dhagax,waxaana uu soo jeediyay in go’aankaas ay ka laabato.

Doodda XIldhibaannada ayaa wali socota iyada oo xildhibaanno bandanna ay khudbeyn doonaan oo ay ka hadli doonaan go’aanka Xukuumadda ku wareejisay Qalbi-dhagax iyo go’aankii ay shacabka la wadaagtay ee ka hadlayay sababta ay Itoobiya ugu dhiibtay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment