3207 Views

Sawiro:-Kulamadii Ugu Danbeeyey Ee R.Wasaare Kheyre Oo Uu Layeesho Madaxda Caalamka

Sawiro:-Kulamadii Ugu Danbeeyey Ee R.Wasaare Kheyre Oo Uu Layeesho Madaxda Caalamka
____________________________________________________________________________

New-York | QOL | September 21. 2017  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa oo ku sugan magaalada Newyork ee Mareykanka ayaa weli kulamo gooni gooni ah laleh madax kaladuwan,wuxuu kulan gar ah la yeeshay madaxda wadamo dhoowr ah oo ay ka mid yihiim Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Ordogan, Madaxda Midowga Yurub, Dowlada Norwey, iyo Madaxkale oo aad u baddan.

Kulamadaan ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriiradda dawladahaas iyo Soomaaliya, iyadda oo si weyn loogu lafo guray kaalinta ugu haboon ee ay dowladahaasi kaga caawin karaan Soomaaliya dhinacyada Horumarka, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo Maamul wanaaga.

Xassan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo uga warbixiyay madaxddii uu la kulmay halka ay marayso xaaladda dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax weyn iska badaleen, islamarkaana ay ka soo ka banayso dhibaatooyinka mudada jiray.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka warbixiyay dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab, isagoo sheegay in dowladdu ay guulo la taaban karo ka gaartay dhinaca ammaanka islamarkaana ay si dar dar leh ku wadaan dhismaha ciidanka Qranka Soomaaliyeed si loo helo awood muuqata oo hanata gebi ahaan amniga Dalka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madax sare oo ka socota dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Maalinta Jimcaha ee nagu soo beegan ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu xarunta Qaramada Midoobay ka jeediyo qudbadiisii uu ugu talo galay sanadkan 2017  in uu ku soo bandhigo shirkan, taas oo noqonaysa midii ugu horeeysay ee Qaramada midoobay  uu ka jeediyo.

Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa markii uu gaaray New York shirkiisii ugu horeeyay la qaatay Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka, iyaga oo ka wada hadlay xariirka labada dal.

Dhanka kale wasiirada ku wehliyay socdaalkiisa  ayaa sidoo kale dhankooda ka qeyb galayay shirar ay yeelanayaan Wasiiro ka socda Dalalka ka qeyb galaya shirka iyo madax ka socta Beesha caalamka, waxaana socda Mowjado shirar ah oo ay dowladuhu isku dhaafsanayaan arrimaha dalalkooda.

005

bg5 bg4 bg3 bg1 bg2 bg

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |New-York

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment