2673 Views

Madaxweyne Farmaajo oo u anbabaxay dalka Sacuudi Carabia

Madaxweyne Farmaajo oo u anbabaxay dalka Sacuudi Carabia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 26, 2017 — Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu u ambabaxo dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku dhow dhow Villa Somalia.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Sacuudiga ayaa aheyd mid todobaadkii la soo dhaafay la hadal hayay, inkastoo Madaxtooyada wararka la xiriira booqashada Sacuudiga ay aad hoos ugu dhigtay sababo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Madaxweynaha ee Sacuudiga oo ah tii 3aad uu ku tago, tan iyo markii la doortay ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo xaalado siyaasadeed oo aad u cakiran uu ka jiro Soomaaliya iyo Khaliijkaba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya gudaha dalka iyo Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee xiriirka u jaray dalka Qatar, markii dowladdiisa ay qaadatay go’aan dhex dhexaadnimo xiisada Khaliijka.

Hase ahaatee lama oga saameynta safarkan uu ku yeelan karo go’aanka dowladda horay u gaartay, isla markaana Golaha Wasiirada ay todobaadkii hore mar kale ayideen mowqifkii horay looga qaatay xiisada Khaliijka.

Balse waxaa jira caqabado ku hareereysan xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga xilligan oo la dhihi karo, waa xilligii ugu adkaa ee soo marta, marka loo eego in labada dal ay isku aheyn sidii hore wixii ka dambeeyay markii Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiririka u jareen Qatar.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu taagan yahay isgoys ah inuu kala doorto Isbaheysiga Sacuudiga iyo dalka Qatar oo la rumeysan yahay inay xiriir dhow la leedahay saaxiibkiisa doorka ku lahaa ololihiisii doorashada, waxaana la kala ogaan doonaa maalmaha soo socdo.

Qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa dhowaan ka hor-yimid go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, waxayna la safteen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana arrintan ay jawaab u tahay sida Sacuudiga iyo Imaaraadka ay galaangaln ugu leeyihiin arrimaha siyaasada gudaha ee Soomaaliya.

Lama oga waxa iska bedeli doono go’aanka dowladda Soomaaliya horay uga qaadatay khilaafka Khaliijka, kaddib booqashada Madaxweyne Farmaajo markii saddexaad ku tagayo dalka Sacuudiga.

  farmaajo-sacuudiga-udhoofay-2 farmaajo-sacuudiga-udhoofay-3
.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment