2997 Views

Guddoomiyaha Gaarisa Oo Shaqada Ka Ceyriyay 2,000 Oo Shaqaale

Guddoomiyaha Gaarisa Oo Shaqada Ka Ceyriyay 2,000 Oo Shaqaale
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 1, 2017—–  Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa shaqada ka eryay 2,000 oo shaqaale una shaqeynayay Maamulka Magaalada Gaarisa.

Cali waxaa uu ku eedeeyay shaqaalahan in aysan heysan wax sharci ah oo muujinaya in ay u shaqeynayaan dowlada Gobolka Gaarisa.

Guddoomiyihii isaga ka horreeyay Nadiif Jaamac ayaa shaqaalahan qortay una shaqeynayeen,waxaana ay u badanyihiin shaqaalaha Muruqmaalka ah iyo kuwa nadaafadda.

Maamulkii Nadiif Jaamaca ayaa sheegay markii uu shaqaalahaas qaadanayay in ujeedadoodu tahay shaqo abuurka,horumarinta degaanka iyo bulshada Maamulka Gaarisa.

Cali Bunow waxaa uu xusay in maamulkiisa uu la tashi la sameyndoono islamarkaana sameynayo hindise cusub oo uu kaga shaqeynayo degaankaas isaga oo la tashanaya saraakiisha fulinta sidoo kalena golaha degaanka Gaarisa ka raadin doona kalsooni siinta hindisahiisa cusub.

Shaqaalaha ayaa maalmo ka hor sameeyay banaanbax ay ku dalbanayeen labo bilood oo Mushaar ah oo ka maqan,waxaana kaddib ku xigtay in lagu wargeliyay shaqo ka eryiddooda.

Warbaahinta Kenya ayaa qoreysa in mudaharaadyo arrintan lagu diiddanyahay la filayo in ay ka dhacaan Magaalada Gaarisa iyo degaannada hoos yimaada.

Muddaharaadyadaas waxaa wada Guddoomiyihi hore ee Gaarisa Nadiif Jaamac oo doorashadii 8 August looga guuleystay,waxaana uu markii horeba diiddanaa natiijada doorashada iyada taageerayaashiisa ay dab qabadsiiyeen Suuqa Mugdi ee bartamaha Gaarisa markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada Gaarisa ee uu Cali Bunow Qorane ku guuleystay.

Miisaaniyadda Maaliyadda Gaarisa ee Sanadkii waa 5.4Bilyan oo shilinka Kenya ah,waxaana maamulka Qorane ay sheegayaan in miisaaniyaddaas ay u baahan tahay qoondeyn iyo in meel lagu ogaado qarashaadka baxaya

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment