2127 Views

Kurdiyiinta Oo 6,000 Askari Geeyay Kirkuk

Kurdiyiinta Oo 6,000 Askari Geeyay Kirkuk
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 –Magaalada Kirkuk ee Dalka Ciraaq waxaa laga baqayaa in uu ka billowdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda Ciraaq,Malleeshiyo Shiico ah oo ay Iraan tababartay iyo Ciidamada Ismaamulka Kurdiyiinta ee dalkaaasi Ciraaq.

Ciidamada Ciraaq ayaa labo jiho kaga wajahan Magaalada oo ah Galbeed ka iyo Koofurta,waxaana Ismaamulka Kurdiyiinta Ciraaq shalay magaalada geeyeen 6,000 oo Askari oo aad u hubeysan iyo gaadiidka dagaalka.

Ciidamada loo yaqaan Beshmarga ee Kurdiyiinta ay leeyihiin ayaa doonaya in magaalada Saliidda hodanka ku ah ay ka difaacaan Ciidamada Ciraaq ee doonaya in ay magaaladaas kala wareegaaan.

Madaxweynaha ismaamulka Kurdiyiinta Ciraaq Mascuud Barzani ayaa sheegay in Ciimadiisa ay iska difaaci doonaan Ciidamada dowladda  ee xoogga adeegsanaya.

Magaalada Kirkuk inkasta oo ay Kurdiyiinta maamulaan haddana waxaa deggan Carab iyo Turki,waxaana maamulka Magaalada gacanta ku haya Ciidamada Beshmerga ee dowad Goboleedka Kurdiyiinta Ciraaq.

Maamulka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa dhawaan qaaday afti dadweyne oo ay kaga go’ayaan Ciraaq inteeda kale,waxaana dowladda Ciraaq arrintaas ku tilmaantay mid xadgudub ku ah Dastuurka Ciraaq ayna go’aan ka gaari doonto.

Sidoo kale Dalalka Iraan iyo Turkiga ayaa go’doon geliyay dhaq dhaqaaqa Kurdiyiinta ee Garoomada iyo Qunsuliyadaha degaannada Kurdiyiinta ku leeyih

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment