2565 Views

Madaxweyne Xaaf Oo Fariin U Diray Dowlada Fadaraalka Soomaaliya

Madaxweyne Xaaf Oo Fariin U Diray Dowlada Fadaraalka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Cadaado| QOL | 16 October 2017 –Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aanay xilligan habooneyn in lagu mashquulo siyaasad iyo arrimo kale, isagoo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in wax laa xumaado ay aheyd qaraxii 14-kii bishan la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaa uu tilmaamay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay waajib ka saaran tahay inay u midoobaan cadawgooda.

“Yaanan is riix riix siyaasadeed iyo wax kale ku mashquulin ee aan cadawga iska celino, oo aan ka shaqeyno sidii dadkeena gacanta isku qabsan lahaa oo cadawga la isaga celin lahaa”ayuu yiri Axmed Ducaale Xaaf.

Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhex jiray khilaaf siyaasadeed.

Maamul goboleedyada dalka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay Qarixii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho, waxayna ku baaqeen in meel looga soo wada jeesto kooxaha cadawga ee caadeystay dhibaateynta shacabka.

In ka badan 200 oo ruux ayaa ku geeriyooday qaraxii Zoobe, kaasoo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid soo mara Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Cadaado 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment