3318 Views

Qadar oo diyaarad gargaar wadda soo gaarsiisay Muqdisho

Qadar oo diyaarad gargaar wadda soo gaarsiisay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 October 2017 – Diyaarad ka socota Dalka Qadar islamarkaana wadda 2Tan oo Dawo ah iyo 30 Dhaqaatiir ah ayaa ka soo degtay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta la socda diyaaraddan waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka midyihiin Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya,Guddoomiyaha Gobolka iyo xubno kale.

Diyaaraddan waxaa ay leedahay 36 Sariirood oo dhaawacyada loogu talagalay,waxaana Dhaawacyada ay u qaadi doontaa dalka Suudaan,iyada oo kharashka ku baxayana ay bixineyso Dowladda Qadar.

Sidoo kale Diyaarad Gargaar Dawo ah sidda  oo ka socota Milatariga Mareykanka ayaa iyana soo caga dhigatay Magaalada Muqdisho.

Dhaawacyadii ugu horreeyay ee dibadda loo qaado waxaa xalay la geeyay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga,waxaa ku xigaya kuwa dalka Suudaan iyo oo sidoo kale Waddamada Caalamka ay soo dirayaan Daawo iyo shaqaale caafimaad

ccc cccc3

cccc22

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment