2232 Views

Halkee ayuu marayaa shirkii ka soconayey Muqdisho

Halkee ayuu marayaa shirkii ka soconayey Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 30  Oktoobar 2017 — Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka oo shalay uu shir uga furmay magaalada Muqdisho ayaa shirkooda maanta waxa uu gelayaa maalinkii labaad.

Madaxda ayaa waxaa miiska u saaran qodobo ay ka mid yihiin xiriirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab.

Madaxda ayaa si gaar ah maanta uga doodi doona arrimaha amniga, kadib markii ururka Al-shabaab maalmihii dambe ay magaalada Muqdisho ka geysanayeen falal lidi ku ah amniga.

Arrinta la xiriirta xiriirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo mudooyinkii dambe uu aad u yaraa, maadaama Dowladda dhexe ay ku eedeysay Dowlad Goboleedyada in ay si qaldan u isticmaalayeen nidaamka Federaalka.

Gaba gabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in la soo saaro war murtiyeed ay ku cad yihiin waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxda Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada ee ka qeyb galaya shirkan.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabit Cabdi Maxamed.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment