3198 Views

Madaxweyne Farmaajo iyo Al-Sisi Oo ka wada Hadlay arrimo ku saabsan labada dal

Madaxweyne Farmaajo iyo Al-Sisi Oo ka wada Hadlay arrimo ku saabsan labada dal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 02, 2017 —Madaxwaynaha dalka Masar Abdel-Fattah Al-Sisi ayaa Arbacadii ku dhawaaqay adkeynta waddankiisa ku aadan midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya, kadib markii uu qadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Sisi ayaa yimid intii lagu jiray wicitaan uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), sida ay ku warantay Wakaaladda wararka ee MENA.

Labada Hoggaamiye oo waqti kooban wada hadlayay ayaa isla soo qaaday qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka wadajirka ah iyada oo la sii wanaajinayo iskaashiga labada dhinac ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Sidoo kale dhinacyadan ayaa waxa ay dib u eegeen horumarkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaalka xukuumadda Soomaaliya ay ku soo celisay amniga iyo xasiloonida, si loo fuliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne (Farmaajo) ayaa dhankiisa Al-Sisi ku ammaanay doorka Masaarida ee taagerada waddankiisa iyo taageerada ay u fidiso xasilloonida, wuxuuna sheegay inuu ka rajeynayo hormar intaas ka buuran.

Waxa uu sii faah faahiyay xiisaha uu u qabo sii wadida wadashaqeyn heer sare ah iyo wadatashiyo lala yeesho Masar oo la xiriira arrimaha kala duwan ee danta guud oo ay ka mid tahay la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa gaba gabadii bishii August ee sanadkan waxa ay booqasho ku tageen dalka Masar, halkaasi oo ay ku soo qaateen booqasho qaadatay maalmo kooban, wuxuuna la soo kulmay Madaxweynaha Masar oo uu kala soo hadlay arrimo badan.

Source:- Xinhua

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment