2598 Views

Dil Ka Dhacay Dagamo Ka Tirsan G/Sh/Hoose

Dil Ka Dhacay Dagamo Ka Tirsan G/Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

Afgooye  | QOL | November 04, 2017 —Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay degmadaasi ku dileen qof kamid ah dadka deegaanka.

Shaqsiga la dilay ayaa magaciisa nalagu sheegay Maxamed Geesey Ibraahim, waxa uuna kamid ahaa dadka deegaanka sida ay wararku sheegayaan.

Kooxo dilka geysatay ayaa la sheegayaa in ay isaga baxsadeen goobta ay ku dileen Marxuumka, waxaana dilka kadib goobta gaaray Ciidamada dowladda ee ku sugan Afgooye.

Ma jirto Cid sheegatay dilka Qofkaas deegaanka ah, sidoo kale ma cada sababaha loo dilay, Ciidamada ayaa isku gedaamay xaafadda dilka uu dhacay.

Ciidamada dowladda ayaa saaka howgal ka wada xaafaaha qaar ee Degmada Afgoye halkaas oo Koox hubeysan ay ku dishay Qof la sheegayo in uu shacab ahaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Afgooye 

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment