2637 Views

Sawiro:-Kulan Aan Caadi ahyn Oo Ka Dhacay Kismaayo

Sawiro:-Kulan Aan Caadi ahyn Oo Ka Dhacay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 12  November 2017 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada Jubbaland.

Kulankaan waxaa lagaga hadlay dar dar galinta hawlgalada amaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu horayn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha u sharaxay Safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho iyo heshiiskii madaxda Soomaalidu ay ku gaareen in meel looga soo wada jeesto dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in cadawga kaliyah ee Nolosha u diidan umada ay lama dhaafan tahay in lala diriro oo la iska dulqaado.

Waxaa uu sheegay in uu socdo abaabul xoog leh oo lagu bilaabayo hawlgal kama danbays ah oo dalka oo dhan laga samayn doono si Argagixisada loo wiiqo.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan oo waayadan hawlo shaqo ugu maqnaa gobolka Gedo ayaa faah faahiyay sida ay tahay xaalada gobolka gaar ahaan diyaar garoowga la xiriira hawlgalada dhawaan bilaabanaya.

Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka ay diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaatan nabadaynta wadanka isla markana ay ka go’antahay sidii nabad waarta lagu heli lahaa.

Golahu wuxuu amaanay Shacabka deegaanka ee garab taagan Ciidamada isla markana diyaarka u ah in ay naftooda u huraan xoraynta dalkooda.

Taliyayaasha Ciidamada ayuu golahu ku booriyay in ay laban laaban adkaynta nabadgalyada Magaalooyinka mudada hawlgaladu ay socdaan.

 

1 2 3 4

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment