2571 Views

Faysal Cali Waraabe oo eedeeyay Xisbiga Wadani

Faysal Cali Waraabe oo eedeeyay Xisbiga Wadani
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 20, 2017–Musharaxa Xisbiga UCID ee Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa sheegay in ay jiraan Shaqsiyaad doonaya in ay khalkhal geliyaan Ammaanka Somaliland, islamarkaana ay abuuraan Xaalado keenikara in ay dhacaan banaabaxyo.

Waxaa uu sheegay in Guddiga doorashooyinka Somaliland ay u jilicsan yihiin Xisbiga Wadani,maadaama ay dhowr jeer  Guddiga doorashooyinka ay si gaar ah ula kulmeen, iyadoo aan qancin Xisbiyadda kale ee Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay Banaanbaxyadii ka dhacay Hargeysa iyo Burco ee ay dadku dhinteen.

Waxaa uu xusay in ay muhiim tahay aan dhibaato loo geysan Shacabka Somaliland,islamarkaana Guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqaan Natiijadda doorashadda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment