3690 Views

Sacuudiga Oo Cambaareeyay Go’aanka Trump Ugu aqoonsaday Qudus inay tahay Caasimadda Israel

Sacuudiga Oo Cambaareeyay Go’aanka Trump Ugu aqoonsaday Qudus inay tahay Caasimadda Israel
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 07, 2017–Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa cambaareeyay go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsado in magaalada Qudus ay tahay Caasimadda Israel.

Dhaleeceyn caalami ayaa loo joojiyay go’aanka Mr Trump, iyadoo Madax badan oo Dunida Muslimka iyo kuwa Beesha Caalamka ay si aad ah uga soo horjeesteen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in ku dhawaaqista u sameeyay Trump ay tahay mid cadaalad daro iyo mas’uuliyad daro.

Hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyay go’aankiisa, isagoo ku tilmaamay maalin taariikhi ah.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska iyo Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa labadaba sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada uu qaaday Mareykanka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa ugu baaqay Muslimiinta inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan inay ka soo horjeedaan tallaabada Mareykanka.

Dibad baxyo looga soo horjeedo Mareykanka iyo Madaxweyne Trump ayaa ka dhacay daanta Galbeed, halkaasoo lagu gubay sawirka iyo Calanka Mareykanka.

Dibad baxayaal careysan ayaa ku hor banaan baxay Safaaradda Mareykanka ku leeyahay istanbul, iyagoo ku qeylinayay erayo ka dhan ah Trump.

Sideed ka mid ah 15 xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in kulan degdeg ah laga yeesho dhamaadka isbuucan go’aanka Mareykanka uu ku gaaray in Qudus ay tahay Caasimadda Israel.

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment