2157 Views

Xilliga La Soo Xirayo Kulamada Guud ee Golaha Shacabka oo La shaaciyay

Xilliga La Soo Xirayo Kulamada Guud ee Golaha Shacabka oo La shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 07, 2017–Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa galaya fasax labo bilood ah, iyadoo la soo xiri doono kulamada guud ee Baarlamaanka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Jawaari ayaa sheegay in 16-ka bishan la hakinayo kulamada guud, isla markaana fasax la geli doono.

Waxaa uu sheegay in ajandayaasha muhiimka ee u haray ay ka doodi doonaan illaa 16-ka bishan, xilligaasoo si rasmi ah loo soo xiri doono Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka.

Jawaari ayaa sheegay in marka la hakiyo kulamada Golaha shacabka ay tahay marka ugu shaqada badan tahay, isla markaana labada bilood ee fasaxa lagu maqan yahay Xildhibaan walba uu aadi doono deegaankii laga soo doortay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment