2550 Views

Hay’adda Gargaarka Ee Boqor Salmaan Oo Gargaar Horleh siineyso Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Hay’adda Gargaarka Ee Boqor Salmaan Oo Gargaar Horleh siineyso Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 15 ,2017 —Madaxa Hormarinta iyo Qorsheynta ee Hay’addaan Dr. Caqiil Al-Gaamdi ayaa maanta oo Jimco ah Magaalada Brusseles ee dalka Biljamka ka qeyb galay Shir u dhaxeeya Madaxda Hay’adaha Samafalka ku howlan iyo Midowga Yurub.

Waxa uu shirka ka sheegay in Hay’addiisu ay wadamo kala duwan ka Gurmad gaarsiisay, qorshahooda cusubne uu ugu jiro sii laba laabidda Gurmadka ay sameynayaan ayuu yiri.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay dadaalada ay wadaan hay’adaha Samafalka ee gurmadka ka geysta Meelo ka baxsan dalalkooda.

Waxaana lagu kala xog qaatay sida Hay’aduhu isugu xirmi lahaayeen si gurmadka uu u noqdo mid gaara Gacmaha loogu tala galay.

Waxyaabaha loo qorsheynayo dadka kasoo jeeda Dalalka:- Yemen, Syria, Iraq, Somalia, Iyo Qoomiyadda Rohingaha oo qeyb kamid ah ku barakacday wadanka Bangladesh iyo kuwa ku sugan Myanmar ayaa ah:-

In la raadiyo qorshe dhaqaale oo lagu guda galayo Qorshahaani.

In la helo Siyaasad Mideysan oo si gurmadka gaarsiintiiisa uu u miro dhalo.

In laga baaraan dego halka la geynayo Kaalmada isugu jirta Cunnada iyo Nafaqada.

Iyo in la helo Qorshe Mustaqbaleed si aanan u kala joogsan Mashaariicda.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wakiilka Joogtada ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Midowga Yurub, Ambassador Sacad Bin Maxamed Cali AlCariifi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment