5667 Views

Galmudug oo ka hartay tartanka ciyaaraha Dowlad Goboleedka

Galmudug oo ka hartay tartanka ciyaaraha Dowlad Goboleedka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16, 2017 – Xulka Jubbaland ayaa 2-1 uga badiyay xulka Galmudug kulan ka mid ah tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada oo maanta ka dhacday magaalaa Muqdisho.

Ciyaartan oo aad u xiiso badneyd ayna daawashadeeda ka soo qeybgaleen kumanaan ruux ayaa waxaa labada xul ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan hase yeeshee waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay ku badiyeen xulka Jubbaland waxana uu xulka Jubbaland u soo gudbay Semifinalka tartanka.

Xulka Galmudug ayaa guuldaradan u ahayd tii labaad ee tartanka waxaana ay ka hartay tartanka dowlad goboleedyada iyadoo aan wax dhibic ah haysan.

Galmudug ayaa noqotay xulkii labaad ee ka hara tartankan iyadoo shalay xulka Hirshabelle ay ka hareen tartankan ciyaaraha iyagoo haysta hal dhibic.

Ciyaaraha Semifinalka ayaa waxaa isku soo beegmay oo wada ciyaari doona xulalka Banaadir iyo Puntland, sidoo kale xulka Jubaland ayaa waxaa ay wada ciyaari doonaan xulka Koofurgalbeed.

,

,

,

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment