2271 Views

Mo Faarax Oo Ku guulaystay Shaqsiga ugu Wanaagsan Ciyaaraha Sannadka 2017

Mo Faarax Oo Ku guulaystay Shaqsiga ugu Wanaagsan Ciyaaraha Sannadka 2017
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 18, 2017 – Maxamed Faraax oo ku guulaystay oradka 10,000 ee mitir ee adduunka ayaa ku guulaystay abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan dhanka ciyaaraha ee BBC sannadka 2017ka.

Soddon iyo afar jirkan ayaa markii saddexaad oo xiriir ah ku guulaysay billadda dahabka ah ee orodka 10,000 ee mitir.

Midkiisii u dambeeyayna wuxuu ku qaaday magaalada London bishii Agoosto, inkastoo uu labo jeer dhulka ku dhici gaaray tartanka oo gabogabo ku dhaw.

Wuxuu noqonayaa qofkii u horreeyay ee oroddada dhaadheer ka qaybqaata ee ku guulaysta abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan ciyaaraha tan iyo markii uu isla abaalmarintaas helay Paula Radcliffe sannadkii 2002.

Jonathan Rea ayaa kaalinta labaad galay halka Jonnie Peacock oo naafo ahna uu kaalinta saddexaas ka galay.

Faarax uma aysan suurtogalin in uu ka qaybqaato xalfadda abaalmarinta oo Liverpool ka dhacday, balse muuqaal toos ah ayuu soo galay oo lagu gudoonsiiyay.

Kenny Dalglish oo afka hore uga dheeli jiray Liverpool iyo Scotland ayaa ku dhawaaqay abaalmarintan ka dib markii ay bulshadu coddaysay.

Maxamed Faraax oo London ku sugnaa ayaa u muuqday in uu aad ugu faraxsanaa abaalmarinta, ka hor inta uusan muuqaalkii tooska ahaa go’in.

Michael Johnson oo ah orodyahan hore ayaa xafladda khudbad kooban ka jeediyay isaga oo matalaya Maxamed Faarax.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment