3930 Views

Warar Horleh Oo Ka Soo baxaya weerarkii lagu Qaaday Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur

Warar Horleh Oo Ka Soo baxaya weerarkii lagu Qaaday  Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 18, 2017 – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay lagu qaaday hoyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ku yaalla Degmada Wadajir, gaar ahaan meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidamada dowladda ayaa beegsaday gurigaasi, saqdii dhexe ee xalay, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo illaalada guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarkaasi ay ku dhinteen Shan askari oo ka mid ah illaalada guriga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, kadib markii iska hor imaadka uu dhexmaray ciidamada dowladda ee weeraray hoyga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa soo xiray oo gacanta ku dhigay C/raxmaan C/Shakuur oo la sheegay in dhaawac uu soo gaaray intii weerarka uu socday, inkastoo aanan la ogeyn dhaawaca soo gaaray siyaasiga inta uu la eg yahay.

Saraakiisha dowladda Federalka Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka qorsheysan ee xalay lagu qaaday hoyga C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Weerarkaan xalay lagu qaaday hoyga C/raxmaan C/shakuur ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo shalay Xeer ilaaliyaha Qaranka uu laba Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Shacabka ku eedeeyay inay yihiin qaran dumis, islamarkaana dowladda Shisheeye ay ka soo qaateen lacago, inkastoo mid ka mid ah Xildhibaanadaasi uu beeniyay arintaasi.

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo horay u soo noqday Wasiirkii qorsheynta, sidoo kalena ka mid ahaa Musharaxiintii u tartamay Xilka madaxtinimada Soomaaliya, ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mucaarad wayn oo dhaliilo kulkul u jeedinayay dowladda Madaxweyne Farmaajo, inkastoo Siyaasiyiinta Odorosa Siyaasadda ay sheegayaan sababta xarigiisa inay salka ku hayso arrimo la xiriira dhaliilaha kala duwan ee dowladda uu u jeedinaayay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment