2253 Views

Golaha Wasiirada Oo Go’aan Ka Soo Saaray Dadka Heesta Gaadiidka Dowladda.

Golaha Wasiirada Oo Go’aan Ka Soo Saaray Dadka Heesta Gaadiidka Dowladda.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 21, 2017 –Shir ay Golaha wasiirada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho Islamarkaana uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa looga hadlay arimaha amaanka Soomaaliya iyo siyaasadda Dalka, sidoo kale waxaa looga hadlay daraasad lagu sameeyay qalabka Ciidamada Dowladda.

Golaha Wasiirada ayaa isku raacay si deg deg ah loo soo celiyo Gaadiidka Ciidamada Xoogga ee ku jira gacanta shaqsiyaad aan dowladda ka tirsaneen iyo kuwa kale oo ka tirsan Dowladda, waxa ayna Goluhu sheegeen in gaadiidkaas la soo celiyo ee uu qaranka u baahan yahay.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay ciddii soo celin weyso Gaadiidka Ciidamada in looga qaadi doono qaab Dowladeed, Golaha wasiirada ayaa Galmudug iyo Ahlusunna ku amaanay is afgaradkii ay galeen waxayna Golahu dalbadeyn in Galmudug ay ku shaqa bilaawdo Dhuusamareeb si maamulka loo balaariyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment