2649 Views

Guddoomiye Jawaari oo qaabilay guddoonada baarlamaanada Hirshabeele iyo Puntland

Guddoomiye Jawaari oo qaabilay guddoonada baarlamaanada Hirshabeele iyo Puntland
____________________________________________________________________________

kulankan soo dhaweynta ah ayaa maanta guddoonka Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Magaaladda Muqdisho ugu sameeyay wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Puntland oo shalay soo gaaray Magaaladda Muqdisho.

Waxaa kulankanii ka qeyb galay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS iyo sidoo kale guddoomiyaasha baarlamaanada Maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeele.`

guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan  Jawaari ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta golaha shacabka ee JFS iyo golayaasha sharci dejinta ee Dowlad goboleedyda.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari wxuu kula dar daarmay in la joogteeyo wada shaqeynta islamarkaana laga wada shaqeeyo horumarinta shuruucda dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment