2250 Views

Shir Muhiim ah Oo Ka Furmay Magalada Baydhabo

Shir Muhiim ah Oo Ka Furmay Magalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2017—Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta lagu wadaa inuu tago Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koofur Galbeed,waxaana uu Baydhabo ka furi doonaa Shir u dhexeeya Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaasha Golaha Wakiilada Maamul Gobolleedyada.

Shirka ayaa la sheegay inuu socon doono Mudo Labo Maalin ah,waxaana inta uu socdo Diirada lagu saari doonaa wada-shaqeynta Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Golaha Wakiilada Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii Khilaaf ku aadan Qabsoomidda Shirkaan uu soo kala dhex galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare,waxaana Guddoonka Aqalka sare ay qabaan in Marti-gelinta Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada ay mas’uul ka yihiin Aqalka Sare,Maadaama Aqalka Sare uu Matalo Maamul Gobolleedyada sida ay ku doodayaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment