2553 Views

Wasiirka Amniga Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska

Wasiirka Amniga Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2017— Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa mudo 27-sano ka dib maanta oo isniin ah xariga ka jaray xarunta Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska,iyadoo ay ka qeyb galeen ku simaha ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax,la-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Xaruntaan oo ku taalo dhabarka danbe ee Cisbitaal Madiina ayaa waxaa loogu magacdaray Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Abshir Muuse.

Xaruntan lagu xanaaneynayo Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale waxaa ku jira 20-carruur ah oo waalidiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay Qeyb jiif ah,Iskuul wax lagu barto,Dugsiga Qur’aan,Masjid lagu tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah.

1 2

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment