4371 Views

Sawiro:- Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah daah furay xarunta maamulka Hawada Dalka

Sawiro:- Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah daah furay xarunta maamulka Hawada Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 27, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow xarigga ka jaray xarunta laga hagi doono Maamulka Hawada Soomaaliya oo markii u horeysay muddo 27 sano kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xilligan ka socota Xarunta Hey’adda Duulista iyo saadaasha hawada ayaa Madaxweynuhu waxaa uu kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socotat.

Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta ee laga hago diyaaradaha ku jira Hawada Soomaaliya, isagoo la hadlay diyaarado hawada ku jiray.

Waxaa Munaasabadda ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada labada Gole, Madaxweynaha Galmudug, marti sharaf kale, qeybaha bulshada iyo madax ka socota Hey’adda ICAO.

A1 a2 a3 a4 a6 a7 a10

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment