3399 Views

Farmaajo iyo Senator Cabdi Qaybdiid Oo kawada Hadlay Weerarkii Shalay Lagu Qaaday Gurigiisa.

Farmaajo iyo Senator Cabdi Qaybdiid Oo kawada Hadlay Weerarkii Shalay Lagu Qaaday Gurigiisa.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 31, 2017 ––Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ay shalay Gurigiisa ku weerarayn Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Cabdi qaybdiid ka dhageestay sida uu u dhacay weerarka iyo dhibkii gaaray Qoyskiisa iyo Hantidii Guri u taalay, waxaana la sheegay in Senator-ka uu soo bandhigay dhibaatooyin hor dhac ah oo weerarkaasi ka dhashay.

Gen. Cabdi Qaybdiid ayaa Madaxweynaha u sheegay in sharci darro ay aheyd weerarkii lagu qaaday Gurigiisa, qal la giliyay caruurtiisa iyo jirdil uu sheegay in xaaskiisa ay ugeesteyn Ciidankii weerarka qaaday sidoo kale Senator-ka ayaa sheegay in Hanti badan la bur buriyay lana qaatay qaar kale.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Qaybdiid in uu ka xanyahay falkii dhacay, loona xilsaaray Guddi soo baara kiiskaasi, sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii falkaasi fuliyay iyo Ciddii soo amartay.

Saraakiil ku dhaw dhaw Xafiiska madaxweynaha iyo Guriga Senator-ka ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in lagu raad joogo shaqsiyaad la tuhmayo in ay wax ka abaabulayn weerarkaasi.

Labada dhinac ayaa la sheegay in ay isku afgartayn in jawiga siyaasadda la dejiyo lagana war sugo Guddi uu hogaaminayo Taliyaha Xoogga Soomaaliya oo arintaan ku jira, sidoo kale Labada dhinac ayaa isku afgartay in uusan qaadan waqti fog baaritaanka, cid kasta oo arintan ku lug yeelatana laga qaado talaabo adag sharci ah.

Weerarka lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qaybdiid iyo kii ka horeeyay ee lagu qaaday Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dalka giliyay Jahwareer siyaasadeed, waxaana Dowladda lagu dhaliilayaa in ay geysanayso Caburin siyaasadeed iyo ku xad-gudub dhinaca Dastuurka ah.

Qubarada dhinaca amniga ayaa ka digaya in arintaan iyo Guud ahaan Khilaafka u dhaxeeya Mucaaradka iyo Madaxda Dowladda ay ka faa’ideystaan shaqsiyaad dano gaar ah leh, suurta galna ay noqon karto in ay dhacaan weeraro kale oo intaan ka weyn, taasina ay hor muud u noqon karaan weerarada hada socda ee lagu eedeynayo hay’adaha amniga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment