2358 Views

Guddoomiye Jawaari Oo la kulmay Bulshadda Soomaaliyeed ee Istanbuul

Guddoomiye Jawaari Oo la kulmay Bulshadda Soomaaliyeed ee Istanbuul
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 27, 2018 – Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga Waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiya Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (jawaari) iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga.

kulankan ay wada yesheen jaaliyadda soomaaliyeed ee Turkiga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa Howlaha balaaran ay jaaliyada Soomaaliyeed u hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Turkiga .

Mudane Maxamed Shiiq Cusmaan (jawaari) ayaa Jaaliyadda ku amaanay doorkii ay ka qaateen dhawacyadii Qaraxii 14-ka Oktoober iyo sidii ay dhaqaalaha isaga soo aruuriyeen si ay u dhamaystiraan baahiyaha Dadkii isbitaalada ku jiray,isagoo Jaaliyadda ku dhaqan dalka Turkiga ku booriyay in ay wanaagana kaga daydaan shacabka Turkiga.

Guddoomiayaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aad ugu amaanay Dawladda iyo shacabka Turkiga sida ay had iyo jeer u garab istaaganyihiin Dawlada soomaaliya iyo Shacabkeeda.

 

 

Xaiffka Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment