2031 Views

Haweeneyda kaliya ee Madaxweynaha ah ee Afrika oo is casileysa

Haweeneyda kaliya ee Madaxweynaha ah ee Afrika oo is casileysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 10, 2018 –Madaxweynaha Dalka Mauritia Haweeneyda lagu magacaabo  Ameenah Gurib-Fakim,ayaa la filayaa in ay dhawaan iska casisho xilkaas kaddib markii lagu helay fadeexad dhinaca maaliyadda ah.

Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay in kaar oo bixiyay Bangi ay lacag ugala bixi jirtay Hay’ad samafal iyada oo kumanaan kun oo doollar si shakhsi ah u adeegsatay ulana baxday.

Haweeneydan ayaa is casili doonta todobaadka dambe marka dalkaasu uu u dabaaldego sanadguurada 50aad ee madaxbanaanidiisa.

Iyada oo beenineysa dhamaan eedaha loo heysto ayey sheegtay in dhamaan lacagahaas ay dib u bixisay sida ay u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ra’isalwasaaraha dalkaas Pravind Jugnauth,ayaa sheegay in Madaxweynaha ay is casileyso isaga oo aan sheegin waqtiga la dooranayo madaxweynaha beddelaya

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment