2103 Views

Guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha oo lacag deeg ah ku wareejiyay maamulka Gedo

Guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha oo lacag deeg ah ku wareejiyay maamulka Gedo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 09, 2018 —- Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ayaa waxa uu maanta lacag gargaar ah oo dhan $100,000 ku wareejiyay gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, kadib kulan uu guddigu ku yeeshay Muqdisho.

“Waxa aan horay u ballan qaadnay in guddigu ugu deeqayo Gobalka Gedo lacag Boqol Kun oo doolar ah. Waxa aan hadda lacagtaas ku wareejinnay gudoomiyaha Gobalka Gedo oo aan ka dooneyno in uu si cadaalad ah u gaarsiiyo qoysasaka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, oo gudoomay lacagta gargaarka ah ee loogu tala galay dadka gobalkiisa ee daadadku dhibaateeyeen, ayaa waxa uu ka mahad celiyay gurmadka hor-dhaca ah, waxa uuna ballan qaaday in dadkii loogu tala galay ay gaarsiin doonaan.

Guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ayaa tan iyo markii la magacaabay waxa ay wadeen dadaallo loogu gurmanayo dadka iyo deegaannada ay ka jiraan xaaladaha bini’aadninimo ee ka dhashay daadaka, waxaana xubna kamid ah guddigu ay socdaallo ku mareen deegaanno ay daadad ku fataheen halkaas oo ay gaarsiiyeen qaar kamid ah dadkii ay daadadku saameeyeen gargaar isugu jira lacag, raashin, dawo, iyo agab kale oo Muhiim u ah nolosha Aadanaha.

gurmad_lacag__3_ gurmad_lacag__5_ gurmad_lacag__8_ gurmad_lacag__1_ gurmad_lacag__4_ gurmad_lacag__9_

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment