2244 Views

Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay oo Itoobiyaan ah oo tagaya Minneapolis

Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay oo Itoobiyaan ah oo tagaya Minneapolis
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 22, 2018 – Ra’iisul wasaaraha Dowladda Ethiopia Abiy Axmed ayaa booqanaya magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka 30-ka July, waxaana masuuliyiin ka tirsan maamulka magaalada uu ka dalbaday inay kala qeyb qaataan dhameynta Khilaafka u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida.

Abiy Axmed ayaa xafiiska qabtay bishii April ee lasoo dhaafay, waxaana safarkaan uu noqonayaa markii ugu horeysay oo ra’iisul wasaare Ethiopian ah booqasho ku tago magaaladaasi..

Isku dhacyada Soomaalida iyo Oromada ayaa sanadihii u dambeeyay taagnaa, waxayna sababeen dhimashada boqolaal rayid ah,  iyo inay kumanaan ku barakacaan colaadaha.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa lagu amaanay qaabka uu u wajahay xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan qaabkii uu u wajahay colaadii muddo 20 sano kataagneyd xuduuda Ethiopia iy Eritrea.

Cabdi Warsame oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis ayaa ka codsaday ra’iisul wasaaraha Ethiopia inuu qaado talaabo kasta oo lagu dhameynayo xiisada Soomaalida iyo Oromada, taasi oo khasaaro badan sababtay.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa maalmo ka hor amray in la xaliyo xiisadda labada qowmiyadooda u dhaxeysa, waxaana uu ciidamada federaalka Ethiopia amray inay kala dhex galaan, iyadoo kadib guddi odayaal ka kooban 40 xubnood loo saaray xalinta xiisadahaasi.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment