3282 Views

Eng. Yarisow “Dib u howlgelinta Kooxda Cayaaraha ee Minishiibiyo waxay ka tarjumeysaa muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin isdhexgalka iyo horumarka “

Eng. Yarisow “Dib u howlgelinta Kooxda Cayaaraha ee Minishiibiyo waxay ka tarjumeysaa muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin isdhexgalka iyo horumarka “
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 24, 2018 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabadda dib u loogu howlgelinayay Kooxda kubadda cagta ee Dawladda Hoose (Minishiibiyo) ayaa sheegay in dadaal la gelinayo kooxdan, maadaama ciyaaruhu ay ka tarjumayaan horumarka bulshada.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay Caasimadda u leedahay kooxda kubadda cagta ee Banaadir oo la asaasay sanadkii 1963dii, iyadoona noqonaysa kooxda matalaysa Muqdisho ciyaaraha heer Caasimadeed ee caalamka iyo in ay Kooxdan ay waajahadda u noqoto horumarka iyo isdhex galka bulshada.

“Kooxda Dawladda Hoose ee Xamar waxa ay ka mid ahayd qorsheyaashii ugu horreeyey ee la hirgeliyey xornimadii kaddib, taas ayaana muujinaysa muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin isdhexgalka iyo horumarka Gobolka. Maamul ahaan waxaan dhexda u xiranaynaa sidii aan dib ugu soo celin lahayn kooxdaan, una dhammeystiri lahayn dhammaan baahiyaheeda asaasiga ah.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in garoonka kooxda Banaadir dhawaan dib loo soo celiyey, laguna wareejiyey maamulka kooxda balse haatan laga shaqeynayo in dib loo dayac tiro iyadoo laga faaiidaysanayo Olalaha Isxilqaan ee ka socda Gobolka Banaadir.

Hawlwadeennada Kooxda Dowladda Hoose iyo xidigihii horey u soo matalay ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaallada dib u soo nooleynta kooxaha iyo tartannada ciyaaraha, iyagoona soo jeediyey in dib loo soo dhiso kooxdii kubadda kolayga ee Dowladda Hoose oo qeyb ka ahayd Naadiga Ciyaaraha Dawladda Hoose ee Xamar.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment